Posts

Showing posts from April, 2023

Sheekooyin Qosol badan Reer Mudug

Sheekooyin Qosol badan Reer Mudug   1. Xariif reer Mudug ah oo ay labada ilkood oo hore ka maqan yihiin, ayaa Gabar u shukaansi doontay qoftii siduu ugu sheekeynayay ayey ku tiri: Xabiibi, waan qoyay. Markaas buu ku yiri: Hadalkeyga miyaa dareen kugu beeray? Gabadhi oo su’aashiisa ka jawaabeyso ayaa ku tiri: Maya ee markaad hadleyso calyaa ka daadaneyso.   2. Mid reer mudug ah baa exam ama imtixaan u   fadhistay markuu waxba ka shaqayn waayay bu warqada meesha u danbaysa kaga qoray Aamuskaygu kama turjumayo jaahilnimadayda balse qoraal kuma so koobi karo Waxa maskax dayda ka guuxaya Malinki Natijada la bixinayayba Waxay ugu so qoreen. Dhicitaankaagu kama turjumayso fashilkaaga Balse indha adaygaga waxad ku mutaysatay 1 sano oo dheeri ah inaad nala si jogto   3. Mid Reer Mudug ah baa la weydiiyay: "Geesinnimo iyo indha-adeyg maxay kala yihiin   Tusaale ka bixi” Kulahaa: Geesinnimo waa inaad Makhaayad ka Cuntaysid kadibna aad iska bax...